Banaanbaxyada looga soo hor jeedo Go’aankii ee Qudus oo sii kordhaya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku gaaray in uu u aqoonsado magaalada Qudus caasimada Israel ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo dunida ah.

Isku dhacyo dhex maray shacabka Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel ayaa ka dhacay xadka Israel iyo Gaza waxaana ku dhintey hal ruux halka dad badana ay ku dhaawacmeen.

Warka ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxaa ka digey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Bariga Dhexe Nickolay Mladenov, iyadoo kulan deg-deg ah Golaha Ammaanku uu ka yeeshay maanta warkan ka soo yeeray Madaxweynaha Trump, waxana uu ku tilmaamay ergeyga gaarka in halis ay ka dhalan karto go’aanka uu gaaray Madaxweyne Trump.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in ay qaadan doonto muddo labo sano ah in safaarada Maraykanka eek u taal Tel Aviv loogu soo raro magaalada Qudus.

Ciidamada Israel ayaa u isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah halka dadka banaanbaxayay ay gubayeen lugo baabuur dhagxaana tuurayeen.

Tan iyo markii uu u aqoonsaday Trump caasimada Israel magaalada barakaysan ee Qudus waxaa ku dhaawacmay banaanbaxyo la dhigayay 217 ruux.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa ka soo horjeestey go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Trump Somalia oo Dalalka ka soo hot jeestay kamida Muqdisho ayaa lagu qabtay Banaanbax wayn oo Hadalka Trump lagu Cambaareeyay. Waxaana sii  kordhaya eedeymaha loo jeedinayo Madaxweynaha Maraykanka.