Dib u dhacii ugu horeeyay oo ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya

Wararka Maanta

Dib u dhacii u horeeyay ayaa ku yimid jadwalkii doorashada ee bishii hore ay soo bandhigeen Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal, kaddib markii Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ay heshiis ku gaareen..

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka oo ka kooban 54 xubnood ayaa ku yimid dib u dhac, iyadoo qorshuhu ahaa manata oo 25-ka bisha September ah in maamul goboleedyada ay soo gudbiyeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashada ayaa xaqiijiyay inuu dib u dhac ku yimid doorashadii Aqalka sare, iyadoo soo xulista Xildhibaanada Aqalka sare oo ka koobnaa 54 xubnood laga sugayay inay soo xulaan Baarlamaanada maamul goboleedyadyada.

Guddiga doorashada dadban ayaa horay u shaaciyay inay dhici karto in doorashada ay waqtigeeda dib uga dhacdo, maadaama ay jiraan caqabado kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca Aqalka sare ay sabab u tahay, in Maamul goboleedyada oo aan wali soo gudbin Xildhibaanadii Aqalka sare u matali lahaa iyo maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo aan wali la dhisin, taasna ay dib u dhac ku keentay 8-dii xubnood ee Aqalka sare ka imaan laheyd maamulkaas.

Waxaa horay u jiray tuhun ku aadan in doorashada ay waqtigeeda dib uga dhici karto arrimo farsamo ahaan, waxaana dad badan ay shaki gelinayaan inay doorashadii horay loogu balamay inay ku dhici weysay waqtigeeda.

Lama oga dib u dhacan saameynta ay ku yeelan doonto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 25 October iyo 30 October, waxaana ifafaalaha muuqda uu yahay in aan wali waxba laga qaban jadwalkii horay ugu heshiiyeen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran.

Jadwalkii doorashada ee horay loo soo gudbiyay ayaa sidan u qornaa:-

Jadwalka Doorashada:

1;Aqalka sare 25 September
2;Baarlamaanka 24 September – 10 October
3;Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
4;Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October
5;Doorashada Madaxweynahan 30 October