Abshir Bukhaari iyo Wafdi uu hugaaminayo oo Cadaado ku wajahan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug Waxaa maanta lagu wadaa inay gaaraan Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayo Gudoomiye Ku xigeenka koobaad ee Golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari kana kooban Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay Galmudug.

Xildhibaanadaan oo kala ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salad
Xildhibaan Sabir Nuur Shuuriye
Xildhibaan axamed Macalin Fiqi
Xildhibaan Cabdi Xassan Cawaale qeybdiid
Xildhibaan Xasan Macalin
Xildhibaan Cabdiwali Qanyare
Xildhibaanad Sahro Cumar
Xildhibaanad Jawaahir  Axmed Cilmi
Xildhibaanad Marayan


Ujeedka Wafdigaan ayaa lagu sheegay inay u kala Dab qaadaan Madaxda sare ee Galmudug oo baryahaan ay ka dhex taagnayd Xiisad Siyaasadeed kadib go’aankii Madaxwayanaha Xilka laga qaaday ee Maamulkaasi ku taageeray Imaaraadka iyo Sacuudiga halka Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku gaashaanka u daruureen arintaa taasoo oo keentay in Khilaafka sadexda Masuul gaaro meeshii ugu sarayasay.

Socdaalka Wafdigaan ayaa sidoo kale imaanaya ayadoo maalintii Shalay Baarlamaanka Galmudug oo Cadaado kulan ku yeeshay ay kalsoonida kala laabteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayagoo ku eedeeyay inuu jabiyay Qodobo kamida Dastuurka Maamulkaas iyo handadaan ka dhan ah Gudoomiyaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug

Waxaana la filayaa inay durba kulamo la qaataan Madaxda sare ee Galmudug. Baarlamaanka. waxgaradka deegaanka.iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan. si wax kasta loogu dhameeyo miiska wada hadalka loona ilaalsho Amniga iyo Xasiloonida deegaanka

Halkaan kala soco wixii kusoo kordha insha allah

Ceelhuuronline