RW Khayre Oo Qaabilay Wasiiru Dowlaha UK Arrimaha Afrika

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.