Home > Wararka Maanta > Axmad madoobe oo dib u doorashadiisii kadib markii u horeysay safar uga baxay Kismaayo

Axmad madoobe oo dib u doorashadiisii kadib markii u horeysay safar uga baxay Kismaayo

Wararka Maanta

 

Diyaarad gaar ah ayaa wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland saaka ka qaaday magaalada Kismaayo, iyagoo toos uga degaya magaalada Nairobi, taasoo mar kale jebineysa amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aada iyo kuwa ka baxa ay soo maraan Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Nairobi ayaa la xiriira arrimo siyaasadeed iyo khilaafka ka jira Jubbaland, gaar ahaan arrinta ka taagan Gedo.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Nairobi siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolkaas, sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka dowladda Federaalka oo markaan culeys saartay dhanka Gedo, kaddib markii maamulada saddex degmo oo kala ah Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay dowladdu ka sameysay dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri, iyadoo la sheegay in dhaq dhaqaaqa Milateri ay qeyb ka yihiin Ciidamada Itoobiya.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!