Ergada Doorashada oo ay suurtagal tahay la dhimo (Ogow Sababta)

Shirar xiriir ahaa oo Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Hey’adaha deeq bixiyeyaasha ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka. Arrimaha la isku haayo ayaa waxaa ka mid ah qaabka loo maamulayo dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay dalbanayaan in la cadeeyo dhaqaalaha ku baxaya […]

Continue Reading

Sawirro: Dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Dekadda Hobyo oo dib u bilowday

Dooni weyn oo siday badeecado kala duwan ayaa shalay galab ku soo xiratay dekada Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, doontaan ayaa u raran ganacsato deegaanka ah. Doontaan ayaa saaka lagu bilaabay dajinta, waxa ayna u raran tahay ganacsade Cabdul Jaamac Dharas, waxa ayna badeecada ka keentay dalka kenya, badeecada doontu sido ayaa u badan Sigaar […]

Continue Reading

Hayn la’aan ma heli kartaa Haweenay? Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Adiga gabadha ah ayaan kugu horaysiinayaa weyndiiinta,e marka uu wiil ku yidhaahdo arrin guur ma wada galnaa amaba uu si uun kuula soo hadal qaado, waxa ugu horeeya ee kugu soo dhacaa saw maaha lacag la bixinaayo oo ay ehelkiinu qaadan doonaan iyo adiga oo ka dhaqaale roonaan doona hebalaayadii aan wali la guursanin ee […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Nairobi kaga qeybgalaya Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedka 6-aad ee waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development). Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana […]

Continue Reading

Dhismaha Wadada Wadnaha oo gaba gabo maraya (Sawirro)

Waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismaha Wadada Wadnaha oo halbowle u ah isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dhismaha wadadan ay iska kaashanayaan Ganacsato iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre oo horkacayay Ganacsato ayaa booqday wadada Wadnaha oo la saarayo laami. Cali Dhoore Xasan iyo Xasan Cali Nuur Warshiikh […]

Continue Reading

Akhriso: Puntland oo Amar adag dul dhigtay Xoolaha iyo Badeecada uga yimaada Koofurta Soomaaliya

Laba Wareegto oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar  ayaa lagu shaaciyay in Gaadiidka ka kala yimaada Puntland iyo Koonfurta Somalia ay badeecadaha iyo xoolaha kula kala wareegi karaan oo kaliya degmada Gaalkacyo. Waxaa kaloo la Mamnuucay Gaadiidka Qaadka ee dhulka soo mari jiray, iyadoo lagu sheegay in Gaadiidkii lagu qabto […]

Continue Reading

Daawo Sawiradii ugu dambeeyey ee weerarkii xalay Banadir Beach + Warbixin

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliyaa ayaa saqdii dhexe xalay abaarihii 3-dii habeenimo soo afjaray howl galkii ka socda Maqaayada Banaadir Beach ee ku taal Xeebta Liido, halkaasoo Al-Shabaab weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday. Weerarka ayaa bilowday abaarihii 8-dii fiidnimo oo qadar dhiman, waxaana ciidamada ammmaanka ay muddo saacado ah la dagaalamayeen […]

Continue Reading

Ciidamada Amaanka oo soo gabangabeeyey weerarkii Banadir Beach

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow soo gabagabeeyay howlgal ayaa caawa ka fuliyeen Maqaayadda Banaadir Beach, halkaas oo weerar isugu jira Qaraxyo iyo rasaas dabasocotay ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab. Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada […]

Continue Reading

Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League Oo Dhamaystiran

isku aadka wareega group-yada Champions League xili ciyaareedka  2016/17 ayaa la soo saaray waxaana durbadiiba kasoo  baxay kulama adag kuwaas oo xanbaarsan xamaasad gaar ah. Group A: Paris Saint-Germain , Arsenal , Basel , Ludogorets Razgrad Group B: Benfica , Napoli , Dynamo Kyiv , Besiktas Group C: Barcelona , Manchester City , Borussia Mönchengladbach, Celtic […]

Continue Reading

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo sheegay in $530,000 laga xaday Bankiga

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr; Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in Bankiga laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inuu falkaasi ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bankiga,kaasoo muddo Bil ah soo dhigayay Lacago Been abuur ah, dabeedna kala baxayay midda […]

Continue Reading