Dhageyso: Xildhibaan Odawaa oo ka hadlay khilaafka DFS iyo Dowlad goboleedyada

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayaa si kulul uga hadlay khilaafka dowladda iyo dowlad Goboledyada ka dhex jira ee sii xoogeysanaya. Wareysi uu Caawa siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu ku sheegay in khilaafkaas uu sabab u yahay […]

Continue Reading

Mooshin laga keenay Xareed Cali Xareed (Daawo Video)

Gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa laga keenay Mooshin kalsooni kala noqosho. tiro gaaraysa ilaa 30 xildhibaan ayaa mooshinkan saxiixay sida uu sheegay Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug. Gudoomiye Gacal oo saxaafadda kula hadlay Cadaado ayaa sheegay in uu aqbalay mooshinka laga keenay Xareed Cali Xareed. dhawaanna loo qaadi doono […]

Continue Reading

Guddi ka socda Aqalka Sare oo gaaray Garoowe (Sawirro)

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey […]

Continue Reading

Xaaf Ducaale oo xilkii laga qaaday (Daawo Video)

Xildhibaanada Galmudug oo maanta fadhi ku yeeshay Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa xilkii ka qaaday Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Fadhigan ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Barlamaanka waxaana ajendayaashii ka mid ahaa dhaarinta xildhibaan cusub Axmed Mire Faafaale, iyo mooshin kalsooni kala noqosho Axmed Ducaale Xaaf . Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka mid […]

Continue Reading

Akhriso: Liiska Senatorada Aqalka Sare ee tagaya Dowlad goboleedyada

Guddoonka Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska Gudiyada loo saaray khilaafka Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah. Guddiga Galmudug tagaya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid (Gudoomiye) Senator Jawaahir Axmed Cilmi Senator Yuusuf Geelle Ugaas Senator Deeqa Xassan Xuseen Senator Mustaf Maxamed Qodax Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan Senator Cabdullaahi Xaaji Maxamuud Dheere […]

Continue Reading

Cali Gacal iyo M. Xaashi oo soo gaaray Cadaado (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado xarunta barlamaanka Galmudug, Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka yimid degmada Cabudwaaq waqooyiga Gobolka Galgaduud oo uu maalmahaan ku sugnaa. Dhanka kale waxaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Cadaado Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka […]

Continue Reading

Dufcadii 22-aad ee ardayda Jaamacadda Muqdisho oo loo soo Gabagabeeyay Todobaadka Dhaqanka Jaamacadda Muqdisho

Munaasabad aad u balaaran si wayn loosoo agaasimay kuna saabsanayd todobaadka dhaqanka jaamacadda muqdisho loona qabtay ardayda cusub ee dufcadii 22-aad ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta ugu wayn Jaamacadda Muqdisho. Munaasabadan oo kusaabsanayd todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho laguna baro ardayda nidaamka Jaamacadda u dagsan lagana rabo ardayda inta uu ku guda […]

Continue Reading

Kofi Annan oo lagu aasayo dalkiisa Ghana

Waxaa soo idlaaday qabanqaabada toddobaadyada socotay ee loogu diyaar garoowayey aaska mid kamid diblomaasiyiinta loogu ixtiraam badanyahay qaarada Afrika. Labadii maalmood ee ugu dambeeysay waxaa magaalada Accra ee dalka Ghana si aad ah looga dareemay aaska Annan, iyadoo dadka u dhashay dalkaasi iyo madax kale oo ka kala socota dalalka caalamka ay ka qeybgalayaan aaska […]

Continue Reading

Gudoomiye M. Mursal oo la kulmay musharaxiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan kula yeeshay ilaa Todobo musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Xubnaha kulankan ka qeyb galay waxaa ka mid ah wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur), Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti wasiirkii hore, Yusuf […]

Continue Reading