Maxaa laga filan karaa Wada hadalada Gaalkacyo?

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxaa xalay ilaa maanta ka socday wada hadalo saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Senatarada Aqalka Sare ku matala Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf iyo Odayaasha beesha Sacad. Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa gudoominayey kulamada, Wada xaajoodkan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka ragaadiyey Maamulka Galmudug, Shirkii koowaad […]

Continue Reading

Musharax Axmed Baasto oo lagu soo dhaweeyey Cadaado (Video)

Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) ayaa galabta lagu soo dhaweeyey Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa kusoo dhaweeyey musharaxa garoonka diyaaradaha Cadaado. Axmed Baasto ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta, waxa uuna sheegay inuu u taagan yahay Kursiga Madaxweynaha Galmudug. halkaan ka daawo Muuqaalka.

Continue Reading

Senatorada laga soo doortay Galmudug oo ku wajahan Galkacyo

Sida ay ceelhuur.com u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaana goordhow la filayaa in ay Magaalada Muqdisho ka ambabaxaan senatorada Galmudug ku matal Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku wajahan Magaalada Galkacyo xarunta Gobolka Mudug. Wafdigan ayaa laga sugayaa Galkacyo, waxaana dalbay odyaasha Beesha Sacad, kadib markii Xaaf Ducaale u qoordhiibtay Waxgaradka Sacad in ay […]

Continue Reading

Alshabaab lagu duqeeyey Jubadda Hoose

Taliska Dhexe Ciidamada Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay ku dileen 4 ka mid ah Alshabaab, deegaanka Araare ee Jubadda Hoose, War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaan ay dhacday 14 bishan, isla markaana ay qiimeynayaan haddii dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay Duqeynta ayaa timid, […]

Continue Reading

Muxuu Xaaf ku qoonsaday Qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka?

Warsaxafadeed xalay kasoo baxay Madaxtooyada Dusmareeb ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah wasiirada iyo Xildhibaanada Federaalka ayaa wadaan faragelin iyo burburin ay ku hayaan Maamulka Galmudug sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan. Wasiir Axmed Qoorqoor, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ah Masuuliyiinta Xaaf ku eedeeyey […]

Continue Reading

Xildhibaano horleh oo soo gaaray Cadaado (Video)

Magaalada Cadaado Xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa galabta soo gaaray Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug, xildhibaanadan oo gaarayey 14 mudane ayaa galabta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Cadaado. Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha, sidoo kale shalay iyo doraad ayaa Cadaado waxaa yimid tiro xildhibaano ah. waxaana la filayaa in ay dhawaan guda galaan […]

Continue Reading

RW Xasan Cali Kheyre oo gaaray Magaalada Jowhar (Sawirro)

Wafdigan uu hoggaaminayo raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Goboleedka Hirshabeelle. Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa ku soo dhaweeyey Wafdigan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,Wasiirro iyo xildhibaanno maamulkaasi ka tirsan. Wasiirka Warfafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiweli Muxumed Cabdi ayaa yiri: “Waxaa kamid ah dhismaha xafiisyada […]

Continue Reading

Galkacyo oo laga daahfuray Shirka Wadatashiga Hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Dastuur iyo Dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa maanta magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug ka furay Shirka Wadatashiga Bulshada Rayidka ee Hanaanka dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan oo socon doono laba Maalmood 14/15 October 2018, ayaa waxaa furitaankiiska ka qeybgalay Maamulka Gaalkacyo iyo qeybaha Bulshada Rayidka. […]

Continue Reading