SahleWork oo loo doortay Madaxweynaha Itoobiya

Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa goordhow u doortay Madaxweyne Haweeneey lagu Magacaabo, SahleWork Zewde ,markii uu is-casilay hoggaamiyihii hore ,Mulatu Teshome. Ms,Sahle-Work, ayaa ah khabiir in badan kasoo shaqaysay Qaramada Midoobay, lehna aqoon maamul iyo waaya argnimo wanaagsan. Hadal kooban oo ay ka hor-jeedisay Baalmanka ayay kaga hadashay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda Dalka, sida ay sheegtay […]

Continue Reading

Afhayeen Dhaqanka Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo colaadda G. Sool

Afhayeen Golaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon CabdiNuur Axmed Diiriye ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya gobolka Sool. Nabadoonka Cabdinuur ayaa yiri : “Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya dhumay ee Gobolka Sool in ay colaada joojiyaan. Dadka colaada hurinaya Ilaaheey ha ka baqaan, oo dadkooda ha u […]

Continue Reading

DFS oo Baaq Nabadeed u dirtay Beelaha ku dagaalamaya Gobalka Sool

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa baaq Nabadeed loogu diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dirirsan deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda, Waxayna tacsi u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dirirta sokeeye. Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqayaan Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, […]

Continue Reading

Kheyre oo guddi wasiiro ah u magacaabay xalinta cabashooyinka Maamul Goboleedyada

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay in ay Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka kala shaqeeyaan xal u helidda cabashooyinka Maamul goboleedyada. Guddigan ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamuud Sabriye. Aqalka Sare ayaa dhawaan muddo 3 cisho ah u […]

Continue Reading

Gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug oo la doortay

Magaalada Cadaado Xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa maanta lagu doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug. Cabdullaahi Xersi Maxamed iyo CabdiWali Aadan Cabdi, waxaana xildhibaanada hortooda ku tanaasulay Cabdi Wali Aadan, waxaana la guda galay in loo codeeyo Cabdullaahi Xersi oo ahaa Musharaxii soo haray. Codeyn gacan taag ah kadib waxaa Cabdullaahi Xersi helay 58 cod, […]

Continue Reading

Dowladda oo ka hadashay khilaafka DFS iyo Madaxda Maamul goboleedyada

War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gogoshii uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maamul Gobolleedyada wali sideedii tahay,islamarkaana Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu. Haddaba Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:- […]

Continue Reading

MUSHARAXA UGU CADCAD DOORASHADA MADAXWEYNAHA K/GALBEED WAA KUMA?

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa noqday musharaxa ugu cadcad madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya kaddib markii uu taageero aad u weyn ka helay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose. Kulamo dhowr ah oo maalmahaan uu la yeelanayay musharax Xuseen Cusmaan madax ka tirsan maamulka K/Galbeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanada ka soo […]

Continue Reading

Axmed Baasto oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug (Sawirro)

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa goordhow kusoo dhamaaday doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana doorashadan ka dhacday xarunta Kafaalo oo ah halkii lagu yagleelay Galmudug. Fadhiga Barlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug, waxaana fadhiyey 62 xildhibaan, doorashadan ayaa waxaa ku loolamay laba musharax oo kala ah Axmed Maxamuud Xassan Baasto iyo […]

Continue Reading

Xafladda Qalin Jabinta Dufcadii 18aad ee Jaamacadda Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay kuna saabsaneyd qalin jabinta dufcadii 18aad ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu qabtay Royal Hotel Place ee Magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa kalmad soo dhaweyn ah ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho ee arimaha xiriirka Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo u mahad celiyay ardayda qalinjabinaysa iyo Waalidiintooda wuxuuna […]

Continue Reading

Maxaa Caawa Ka cusub Cadaado iyo Gaalkacyo?

Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa caawa ku soo gabangaboobay shir ay lahaayeen Senatarada laga soo doorto Galmudug, Odayaasha deegaanka iyo Axmed Ducaale Xaaf. Shirkan oo muddo socday ayaan laga gaarin natiijadii la filayey, intii uu shirkan socday dhowr jeer ayuu Xaaf ka baxay shirka, waxaana dood dheer kadib la isla afgartay: In dhinacyadu dib […]

Continue Reading