Wafdigan uu hoggaaminayo raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Goboleedka Hirshabeelle.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa ku soo dhaweeyey Wafdigan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,Wasiirro iyo xildhibaanno maamulkaasi ka tirsan.
Wasiirka Warfafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiweli Muxumed Cabdi ayaa yiri: “Waxaa kamid ah dhismaha xafiisyada Madaxtooyada oo ay ku shaqeynayaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa,guriga Martida oo madaxtooyada laga dhisayo,xarunta baarlamaanka iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha kala duwan ee maamulka Hirshabeele” ayuu yiri Wasiirka Warfafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wasiirka ayaa intaa raaciyay in R/wasaaraha uu kulamo kaal duwan la qaadan doonaa madaxda maamulka Hirshabeele iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle.
Waxaa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar,iyadoo shacabka iyo maamulka ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kahyre. Socdaalkan ayaa u muuqda garab istaag Maamulka Hirshabeelle maadaama uu isaga baxay Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada.