MD Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Maraykanka

Wararka Maanta

‪Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo Safiirka kula kulmay xerada Xalane, halkii uu safiirku tagi lahaa Madaxtooyada Qaranka, waana arin aan looga baran Madaxweynaha Soomaaliya inuu safiir warqadaha ugu gudoomo goob ka baxsan xafiiskiisa.