Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxwayne farmaajo ee New York

Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa war ka soo saartay safarka berri ee Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ku tagi doonaan magaalada New York ee dalka Mareykanka,  si ay uga qayb galaan Shir sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona Shirkan, muddo labo sano ah […]

Continue Reading

James swan oo soomaalida ugu baaqay gacan ka gaysashada nabada

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya James Swan ayaa ku dhiirigeliyay dhamaan dadka Soomaaliyeed Inay gacan ka geystaan Nabad Kusoo Dabaalidda Soomaaliya War Saxaafadeed uu soo saaray James Swan ayaa maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxa uu soo saaray war saxaafadeed uu ugaga hadlayo nabada. War Saxaafadeed Iyadoo adduunku […]

Continue Reading

Wasiir ku xigeen isku casilay faragalinta dowlada ee doorashada galmudug darteed

Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya C/kariin dhalac ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa. Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu sababta uu isku casilay ku shheegay inuu ku qanci waayay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso Maamulka Galmudug, isla markaana habka maamul u saameynta ay u wado uu […]

Continue Reading

Rw khayre ayaa booqasho ugu tagay ciidanka dhaawaca ah ee jiifa isbitaalka Xooga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray Isbitaalka Xoogga dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidamada, kuwaasoo ku soo dhaawacmay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul tagay Ciidamada dhaawacyada, isagoo ka dhageystay xaaladooda, waxaana uu qiimeeyay xaalada daryeelka caafimaad ee ay […]

Continue Reading

Gudoomiyaha degmada Warshiikh oo dhaawacay xubin katirsan golaha deegaanka degmadaas

Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya Guddoomiyihii dhowaan la doortay Xasan Xaaji Axmed Darafey uu dhaawacay xubin ka tirsan Golaha Deegaanka, kaddib markii ay xabad uga fakatay. Dhacdadan ayaa aheyd maalin ka hor, waxaana xildhibaanka ka tirsan Golaha deegaanka Warsheekh ee dhaawaca loo geystay magaciisa lagu soo gaabiyay Makaraan. Dadka […]

Continue Reading

Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo ka digey faragalino lagu sameeyo Jubaland

Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa digniin adag ka soo saaray faragelin uu sheegay inay ku soo fool leeyihiin maamulkooda. Waxa uu sheegay iney talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda inay faragelin toos ah ama mid aan toos aheyn ku sameysa maamulkooda, wixii […]

Continue Reading

Injineer turki ah oo dhisayay wadada Muqdisho iyo Afgooye oo ku dhaawacmay Qarax miino

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay injineerka Turkiga ah iyo labo ka mid ah ilaaladiisa. Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka uu kormeerayay […]

Continue Reading

Gudoomiyaha G.banaadir oo lakulmay madaxda hirshabeele iyo koonfur-galbeed

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay kulan casho waxaa uu hoygiisa ugu sameeyay Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo C/casiis Xasan Maxamed. Kulankan ayaa isugu jiray hambalyeyn, is barasho iyo kala war-qaadasho, iyadoo Madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay balan-qaadeen inay garab taagan yihiin Duqa cusub […]

Continue Reading

Donald trump oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed, kaasoo dhowaan ay magacawday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Amb. Cali Shariif Axmed ayaa lagu qaabilay Aqalka cad ee Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump, kuna […]

Continue Reading