Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay injineerka Turkiga ah iyo labo ka mid ah ilaaladiisa.
Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka uu kormeerayay qeybaha dhismaha gaar ahaan meel ku dhow xarunta maamulka Garasbaaley.
Qaraxan ayaa sababay inuu hakad ku yimaado dhismaha wadadan oo dayactir xoog leh lagu sameynayo. Waxayna wararku sheegayaan in uu qaraxan ka dhashay miinada dhulka laga aaso oo meeaha fogfog laga qarxiyo.
Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay Dalka Turkiga.