FADLAN AKHRI: CODSIGA DHIBANAYAASHA HINDIYA KU XIRAN.

Wararka Maanta

dhibanayaal-hindiya-ku-xiran

Waxaan nahay dhallinyaro soomaaliyeed oo ku xirran dalka hindiya Gaar ahaan xabsiga Taluuja ee Gobalka Mambaay. waxaan eheen 120 dhallinyaro ah , waxaa nala soo xirray lix sano kahor , dhibaato iyo Rafaad baddan kadib waxaa xabsiga dhexdiisa ku geeriyooday labbo wiil oo naga tirsanaa.

Lixdaas sano oo aan xirneyn waxaan la kullanay dhibaatooyin dhankastaba leh sida;- Jirdil Joogta ah , Caafimaad daro , Xuquuq la’aan , iyo xad gudubyo kale oo badan. Dhibaatooyinka xabsiga nagu heysta waxaa kaloo kamid ah innaan waxba ka garaneyn luuqadaha dalkaan looga hadlo, taas oo sabab u noqotay in dhallinyarada qaar u dhintaan kuwana ku naafoobaan cuduro ku dhacay , markaan is niri usheega ama fahamsiiya madaxda xabsigana innaan awoodi waynay waayo ma garanayno si aan ugu sheegno iyo qaab aan u fahmsiino .

Sidoo kale inta aan xabsiga ku xirneyn ama dhibkaasi naqabsanaayey waxaan weynay wax noo dooda ama dacwadeena usheega dowlada nasoo xirratay. dowladdeena soomaaliyeed kama aanaan helin wax caawimaad ah , sidoo kale dadka soomaaliyeed iyana caawimaad fiican nama siin . waxaan maqalnay in madaxda dalkeena ugu sareysa ay timid hindiya , nasiibdaro arrinteena kama aysan hadlin inta ay joogeen hindiya. Tirro dhowr jeer ah ayaa naloo sheegay in maxkamad nala soo saarayo , hasa yeeshee ma ay suuragalin oo markasta waxay noo sheegaan in dib loo dhigay . taasi waxay ka dhigantahay in aysan jiray dad iyo dowlad noo dooda , waayo hadii la helilahaa wax noo dooda waxaan heli lahayn cadaalad iyo xorriyad.

Hadda waxay noosheegeen hadii aan qirano danbiyada ay nagu heystaan maxkamada horteeda in ay nasii daynayaan , laakiin taas ma ogin sida ay suuragal ku tahay , qof wixii lagu soo eedeeyey qirtay haddana in la siidaayo . innagu waxaan go’aan sanay in aan waxkasta oo ay noosoo jeediyaan aan qaadano maxaa yeelay awalba nolol ma heysan oo waan ku dhibanayn meeshaan .

CODSI

Waxaan ka codsaneynaa Dowladdeena soomaaliyeed , Ummadda soomaaliyeed iyo dhamaan inta wax garradka ah ee soomaalinimadu ku danbeyso in wax naloo qabto , dowladaanna latusiyo in aan Dal iyo Dad leenahay . Sidookale waxaan codsi udiraynaa Safiirada soomaaliyeed meelkasta ay joogaan gaar ahaan kuwa qarramada midowbay u fadhiyada soomaaliya in arrinkeena il gaar ah lagu fiiriyo , gurmadna naloo fidiyo . Waxaan kaloo codsaneynaa in codsigeena la gaarsiiyo madaxda Dowladdena Soomaaliyeed iyo dhamaan Hay’adaha Xuquuqda aadahana ee wax kaqaban kara.

U gurmo Dhibanayaasha Soomaaliyeed ee ku xirran Dalka Hindiya.

 

6 thoughts on “FADLAN AKHRI: CODSIGA DHIBANAYAASHA HINDIYA KU XIRAN.

Comments are closed.