Mooshin ku aadan maqaam helida muqdisho oo dhawaan baarlamaanka la horgeynayo

Wararka Maanta

Iyadoo shalay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu qabtay mooshin soo jeedin ah oo ku saabsan Maqaamka Caasimadda Muqdisho oo muddo sanado ah aanay caddeyn matalaadeeda maamul ee ku yimaada rabitaanka shacabka.

In ka badan 100 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan soo jeedinta ah, waxaana horkacayay Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo muddooyinkii u dambeeyay u ololeynayay sidii Muqdisho u heli laheyd maqaamkeeda iyo maamul ku yimaada rabitaanka shacabka.

Dooda mooshinkan ayaa la filayaa in maalmaha soo socota ka bilaabato Baarlamaanka, iyadoo marka doodda la soo gabagabeeyo uu sharci gaar ah ka soo saari doono labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya ayaa wax matalaad ku laheyn Aqalka Sare, sidoo kale digreeto Madaxweyne ayaa lagu soo magacaabi jiray madaxda maamulkaas.

Dadka ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa dalbanayay in la caddeeyo maqaamka Caasimadda, iyadoo dalka uu ka hana qaaday nidaamka Federaalka, isla markaana Muqdisho ay noqotay meesha kaliya ee maqan mataaladeeda.