Ander Herrera Oo Waqti Dheer Sii Joogaayo Manchester United

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Ander Herrera ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda muddo dheer, inkastoo ay xiiseyneyso kooxda reer Spain ee Barcelona.

28-jirkaan ayaa kooxda Manchester United xilli ciyaareedkan waxaana uu ku soo bilowday hal kulan isagoo dhamaan ka soo muuqday seddex jeer.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay miisaameyso inay dalab u dirto xiddiga reer Spain si ay dib ugu celiyo wadankiisa, laakiin Manchester Evening News ayaa sheegeysa inuu diyaar u yahay inuu qandaraaska u kordhiyo United.

Waxaa la sheegayaa in Herrera, uu Jose Mourinho kala hadlay tababaraha waqtiga yar ee la siiyay, Xiddigii hore ee Athletic Bilbao Herrera ayaa ku biiray United 2014, isagoo u saftay kooxda 100 kulan tan iyo markaas.

W/Q Hafsa haji