Alshabaab oo weeraray degmada Baxdo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa dagaal xooggan wali ka socdaa gudaha degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay saaka aroortii soo weerareen Ururka Alshabaab.

Ciidamada deegaanka oo ay hormuud u yihiin maamulka Degmada Baxdo iyo culimada ayaa iska caabin kala horyimid shabaabkii weeraray halkaas, waxaana wali la maqlayaa rasaas dhacaysa.

Ciidamada DFS iyo Galmudug ayaa gurmad ahaan uga baxay Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa la filayaa in ay goordhow ku biiraan dagaalka.

Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacay Masjid Jaamaca degmada Baxdo halkaas oo ay difaac uga jireen ciidamada deegaanka.

Waxaa la soo warinayaa khasaare kala gaaray labada dhinac, inkasta oo aan laga heyn tiro sax ah wixii kusoo kordha kala soco Telegram Chanelkeena

https://t.me/ceelhuuronline

Aragtidaada ka dhiibo