Abu Mansuur oo laga saaray Liiska Argagixisada

Wararka Maanta

Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee ururka Al-Shabaab.

Warkan waxaa VOA-da u xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taasi oo shaacisay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa xilal badan ka soo qabtay Al-shabaab, waxaana ka mid ah xilalkii uu soo qabtay Hoggaamiye kuxigeenki Al-Shabaab iyo sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab.

Waxaa la hadal hayay dhowaanahan inuu wada hadalo hoose kula jiro Dowladda FederaalkaSoomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin warkan sheegaya in liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa aad u hadal heya warkan ka soo yeeray Waaxda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, taasi oo dadka falanqeeya arrimahan ku noqotay layaab