Galkacyo: Taliye Khaliif Nuur Shiil oo geeriyooday

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa saaka ku geeriyooday Khaliif Nuur Shiil Madaxii Howlgalada ciidanka Xasilinta Gaalkacyo.

Khaliif ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo xalay kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen rag ku hubeysan bistoolado koofurta magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa xalay markii la weerarayey kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday taraawiixda, waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaalka Koofurta Gaalkacyo, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa qoray in weerarkan ay sheegteen kooxda Alshabaab, waana dilkii ugu horeeyey oo ay Alshabaab ka geystaan Koofurta Gaalkacyo 2019.

Khaliif ayaa ka tirsansanaa saraakiisha qeybta 21aad xoogga dalka Soomaaliya, ciidanka xasilinta ayaa dowr fiican ka qaatay xasilinta Gaalkacyo oo dagaalo culus ka dhaceen 2015 iyo 2016.