Guddiga Doorashada Jubbaland oo saaray Jadwalka Doorashada.

Wararka Maanta

Guddiga doorashada Jubaland garabka uu magacaabay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay jadwalkii hore ee doorashada.

Qoraal maanta kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 17-ka bishan ay dhici doonto doorashada guddoonka baarlamaanka cusub halka doorashada Madaxweynahana ay dhici doonto 19-ka bisha.

Waxaa sidoo kale maanta magaalada lagu dhaariyay 75-ka xildhibaan ee cusub ee Jubaland ee garabka ay soo magacaabeen guddiga ay taageersan yihiin mucaaradka.

Dhinaca kale, waxaa maantaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka socda AMISOM iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho : VOA+Baraha Bulshada.