Alshabaab oo Oday 93 jir ah Xukun toogasho ah ku fulisay.

Wararka Maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Gamboole ee degmada Balcad, Nabdoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abshir Nuur Xuseen (Abhir Maliis) oo da’diisuna ahayd 93 sano jir.

Shabaab ayaa marxuumka ku eedeeyay in uu ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Waa Nabadoonkii ugu horeeyey ee ay meel fagaare ah ku toogtaan Alshabaab.

Nabadoonka ayaa gacanta Alshabaab ku jiray Muddo dhowr bilood ah, kadib markii uu deegaanada ay maamulaan u tagay arimo la xariirta dacwo ka dhaxeysay xoolo dhaqato iyo beeraley deegaankaas ah.

Alshabaab ayaa horey u fuliyey dilal khaarijin ah dadkii ka qeybgalay doorashadii 2016, iyagoo dadkaas badankooda ku dilay magaalada Muqdisho. dhacdadaan ayaa ugub ku ah dilalkii ay fulin jireen ururka Alshabaab.

Tagged