Guuleed oo Ganafka ku dhuftay Mooshin ka dhan ahaa… Qormo kooban

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa bilooyinkii ugu dambeeyey la karkarinayay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, Mooshinkan ayaa waxaa waday qeyb ka mid ah xildhibaanada barlamaanka Galmudug, waxaana gadaal ka riixayey siyaasiyiin ku sugan Muqdisho oo mucaarad ku ah dowlada Xasan Sheekh Maxamuud .

Mooshinkan ayaa lala sugayey kolka Madaxweyne Guuleed yimaado Magaalada Cadaado oo ah fadhiga dowlad goboleedka Galmudug, Guuleed ayaa muddo ka maqnaa Cadaado sababo caafimaad iyo shirar muhiim ahaa, waxaana Maalmahaan ka socday magaalada shirar ay yeelanayaana xildhibaanada mooshinka wada, C/kariim oo arintaas si dhow ula socday ayaa qaatay go’aan ah in ay hakiyo howlaha waaweyn ee hay’adaha dowlad goboleedka Galmudug, isagoo 1 Oktoobar soo saaray wareegto uu arintaan uga hadlaayo, halkaan ka aqriso wareegtada.

Guuleed ayaa waxaa heystay laba culeys oo kala ah Mooshinka ka dhanka ah iyo maareynta arimaha doorashada oo ay magaalada Cadaado marti galinayso, waxa uuna door biday in uu hakiyo fadhiyada Golayaasha Barlamaanka iyo wasiirada, taas oo ka dhigan in aysan jirin kulan barlamaan oo sharci ah inaan la qaban karin, sidaasna uu uga badbaadayo mooshinka ka dhanka ahaa inta lagu gudo jiro doorashada.

C/kariim Guuleed ayaa dhowr jeer oo hore ka hortagay mooshino ka dhan ahaa, isagoo lacag siiyey xildhibaanada Barlamaanka Galmudug si arinta loo qaboojiyo, waxaana arintaas yaab ku noqotay bulshada, iyadoo ay jiraan dhaqaale xumo haystay maamulka, waxaana bilooyin badan mushaar qaadan ciidamada, taas oo ay u muuqato in inta badan xildhibaanada u muuqdaan in ay yihiin XIG-DHIBAANO  oo ay ka fekeraan lacag ay iyagu helaan, halkii ay ka hadli lahaayeen danaha shacabka.

Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Guud

Ceelhuur Online

 

Tagged

Comments are closed.