Alshabaab oo la wareegay Deegaanka Af-Urur gobolka Bari

Wararka Maanta

Dagaalyahano ururka ka tirsan in saakay aroortii ay dagaal la’aan kula wareegeen gacan ku heynta degaanka Af-Urur oo  Koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.  AlShabaab ayaa  degaankan qabsaday kadib markii halkaasi shalay gelinkii dambe ay halkaasi isaga baxeen ciidanka Puntland.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in Shabaab hubeysan oo laba boqol gaaraya ay la wareegeen degaanka, kuwaasi oo maalmihii dambe kulaalayay degaanka iyo hareerahiisa.

Shabaab waxa ay sheegeen in ciidankooda qaar ay tageen difaacyada ciidanka Puntland, halka qaarka kalena ay gaaf wareegayaan aagga degaanka, waxayna intaasi raaciyeen inay kulamo la yeesheen waxgaradka degaanka oo ay u sheegeen inaanay wadin wax dhibaato ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya ciidankii Puntland ee ka baxay degaanka inay u jiheysteen dhanka degaanka Carmo, halkaasi oo ay ka wadaan abaabul dagaal oo ku jeeda sidii markale ay u xaqiijin lahaayeen gacan ku heynta degaanka Af-Urur.

Ilaa hadda saraakiisha ciidamada Puntland kama aanay hadlin warka Shabaab ee ku aadan qabsashada degaanka Af-Urur, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay way inoo suurageli weyday inaan qadka ku helno.

Shabaab ayaa inta badan aroortii qaada hawlgalada ay la beegsanayaan ciidanka ka soo horjeeda, sanadkii hore degaanka Af-Urur waxaa ka dhacay dagaalo culus, kadib markii Shabaab ay weerareen ciidanka Puntland.