Xafiiska Taliye ku Xigeenka NISA oo la jabiyey (Sawirro)

Wararka Maanta

Ciidamo ka tisan Nabsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa habeen hore jabiyey xafiiska Taliye ku xigeenka Koowaad ee NISA ninka lagu magacaabo Cabdalla Cabdalla Maxamed, Ninkaan ayaa isniintii lagu sameeyey shaqo joojin. Ciidamadan ayaa la sheegay in xafiiska kala baxeen document-yo muhiim ah, iyagoo sidoo kale burburiyey Qalabka keydka.

Xafiiska la jabiyey ayaa ku yaala gudaha Xarunta Aad loo ilaaliyo Taliska Guud NISA ee loo yaqaan guriga Habar Khadiijo ee u dhow KM 0 Magaalada Muqdisho, Arinta la isweydiinayo ayaa ah sababta loo jabiyey xafiiskan. waxaana Sawirada ka muuqda Document-yo daadsan iyo Computer la jabiyey.

Cabdalla Cabdalla ayaa NISA ku soo biiray xilligii dowladii Xasan Sheekh, Waxa uuna Muddo ku noolaa dalka Yemen, sidoo kale wuxuu  tababar dhanka sirdoonka ah kusoo qaatay dalka Sucuudiga.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka kale ee NISA Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa horey uga tirsanaa Amniyaatka Alshabaab, isagoo kadib ku soo biiray dowladda, waxaana xilligii Xassan Sheekh ka mid noqday shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga.

Agaasimaha Guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa 17 July 2018 u magacaabay Cabdullaahi Aadan kulane Ku simaha Taliyaha NISA, Mr. Kulane ayaa horey usoo noqday Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada qaranka.

Sababaha keenay fashilka NISA:

  1. Loolanka Awoodda dalka oo isku hayaan Farmaajo, Kheyre iyo Fahad, oo mid walba doonayo in isbadal lagu sameeyo NISA oo uu noqdo mid isaga dan ugu jirto.
  2. Alshabaab oo dhex galay NISA, kadib markii Hoggaana NISA ay ka mid noqdeen Saraakiil Sare oo ka tirsanaa Alshabaab oo sheegay in ay dowladda isku soo dhiibeen, sida Sakariye ismaaciil, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo saarkiil kale. Sidoo kale Xubno badan oo ka soo goostay Alshabaab ayaa ku jira Ciidanka NISA. arintaan ayaa keentay in ha’aydda ammaanku ku fashilmeen joojinta falalka kooxaha argagixisadu geystaan.
  3. Musuqmaasuq hareeyey NISA, waxaana dhacda in mararka qaar la gato dadka ku xiran Xabsiyadooda.

Sidoo kale Caqabado kuwan la mid ah ayaa haysa ha’yadaha garsoorka dalka, waxaan Muuqata in Hoggaanka Sare ee Dowladu ku milmay hay’adaha Ammaanka iyo Garsoorka, oo ay aheyd in ay ka madax banaanaadaan.

 

1 thought on “Xafiiska Taliye ku Xigeenka NISA oo la jabiyey (Sawirro)

  1. Waa dhacdo ku cusub sirdoonka qaranka waxaa moodaa inay al shabaab Ku milmeen ha, yadaha ammaanka oo dhan marka sidee loo ilaalinayaa amniga soomaaliya mahad sanidiin

Comments are closed.