Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka socota Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Caleemasaarka Kenyatta waxaa bar bar socday banaanbax ay ku baaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka Kenya oo sheegay in Nairobi iyo Gobollada kale ee Kenya ay ka dhici doonaan dibadbax ka dhan ah Kenyatta.
Madaxweynayaasha ka qaybgelaya Caleemasaarka Kenyatta waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya oo xalayba ku hoyday Nairobi.
Madaxda kale ee ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah Yoweri Museveni oo ka socda Uganda Uganda, Madaxweynaha Botswana, Ian Khama, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, John Pombe Magufuli oo ka socda Tanzania, Edgar Lungu oo ka socda Zambia, Ismaïl Omar Guelleh ka socda Djibouti, Madaxweynaha Namibia Hage Geingob, Faure Gnassingbé oo ka socda Togo iyo Raiisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn Ethiopia.
Madaxweyne ku xigeennada ka qaybgalaya Caleemasaarka Kenyatta waxaa ka mid ah Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi, iyo Yemen.
Senegal, China iyo Japan,ayaa u diri doona Wakiillo,halka Waddamada Koofur Afrika ,Britain, Ukraine, iyo Hindiya ay wasiirro u diri doonaan Nairobi.