Akhriso: Qodobada Barnaamijka Dhacdooyinka Galmudug

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Qodobada aan caawa kusoo qaadanayno Barnaamijka Dhacdooyinka Galmudug 04/10/2017 waxaa ka mid ah:

1. Gudoomiyihii Maxkamadda Sare oo baxsad ku maqnaa ayaa xalay ku hoyday Hotel ku yaal magaalada Cabudwaaq, isagoo galabta ka duulay garoonka diyaaradaha Cabudwaaq, Gudoomiyaha ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Waxa uuna ku guuleystay Qorshihiisa inkastoo naftiisa qatar gashay.

2. Afhayeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Roob da’ay oo maanta saxaafadda kula hadlay Cadaado ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in Yaxye Sh. Cali horey isaga casilay gudoomiyinimada Maxkamadda Sare Galmudug.

3. Taliyaha Guud ciidamada Amisom General Cismaan Subagle ayaa maanta soo gaaray Cadaado, isagoo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada, Ciidamada Amisom ee Cadaado ku sugan ayaa waxaa ka dhamaaday qorshaha joogistooda Cadaado, iyadoo la filayo in loo kordhiyo waqtiga joogista. Ciidamada Amisom ayaa ilaaliya garoonka diyaaradaha Cadaado iyo Xarunta Madaxtooyada Galmudug.