Taliye ku xigeenkii hore NISA oo loo magacaabay Xil Cusub

Wararka Maanta

C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA  ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa loo magacaabay xil cusub.

Mr Jaamac ayaa laga dhigay La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, waxaana xog-hayaha guud ee Golaha lagu faray inuu marsiiyo habraaca maamuuska lataliyaha iyo meel marinta go’aanka harsan.

C/qaadir Maxamed Nuur iyo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh ayaa ka soo wada shaqeeyay saafaradda Soomaaliya ee dalka Turkey.