Diyaarado Dagaal oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Hiiraan

Wararka Maanta

Xalay saqdii dhexe ayaa Diyaarado dagaal waxa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen Saldhigyo ay Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday deegaano u dhaxeeya Magaalooyinka Baladweyne iyo iyo degmada Maxaas oo lagu Magacaabo oroton,masara jibista iyo deegano kale.

Taliyaha  Guutada 22aad  qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Baakaay Daljir ayaa sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Saldhigyo AlShabaab ku leeyihiin Gobolka Hiiraan,isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyey,hayeeshee ma uusan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Duqeynta xalay diyaaradaha dagaal ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay,waxaana saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa duqeymo dhinaca cirka ah waxa ay ka dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo hiiraan,waxana duqeyntii ka dhacday Shabeellaha Hoose Mareykanka uu sheegay in uu ku dilay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.