Akhri Magaca Masuul goordhow lagu toogtay Muqdisho

Wararka Maanta

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxa ay Xaafada Al-baraka ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uulka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble(Cabdi Madoobe),waxana la sheegay in kooxaha hubeysan ay toogteen xilli uu ka baxayay hooygiisa,isla markaana uu watay Gaari,kadibna ay baxsadeen.

Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa xaqiijiyay dilkaas iyo in uu ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee mas’uuliyiinta Wasaaradda oo aan la xiriirnay nooma suurtagelin inaan helno.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkaas,waxaana warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ku sheegeen in uu ka tirsanaa Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya,isla markaana dilkaasi ay ka dambeeyeen.

Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa kusoo badanaya Magalada Muqdisho,waxaaana dhawaan Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir.