Akhri: Kenya oo xiriirka Diplamaasi u jartay Soomaaliya

Wararka Maanta

Dowladda Kenya ayaa  ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib muran ka dhashay dhul badeedka labadda dal ay ku muransan yihiin.

Dowladda Kenya ayaa ku amartay Safiirkeeda Soomaaliya in uu si deg deg ah uga soo baxo dalka Soomaaliya,iyada oo sidookalana dowladda Kenya ay amartay Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya in uu dhaqso kaga baxo dalkaas.

Kenya ayaa arrintaan u sababeysay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xad gudubtay xaduud badeedkeeda,isla markaana ay suuq geysay qeyb ka mid ah badeeda si shidaal looga baaro.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda weli wax war ah kama soo saarin go’aanka ay gaartay dowladda Kenya,waxaana xusid midan in ay Kenya ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya Ciidamada ka joogaan.