Kooxo hubaysan oo ku weeraray dhuusamareeb gudoomiyihii hore ee D.Hodan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Rag hubeysan ayaa Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug waxa ay ku weerareen Agaasime Maxamed Axmed Cantoobo iyo Dr Cumar Aadan Rooble oo kamida Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ee ka shaqeynaya dhismaha Maamulka Galmudug.

Masuuliyiintan ayaa rasaas mar qura lagu furay xilli ay sii galayeen Hoyga ay Magaaladda Dhusomareeb ka daganyihiin.

Ilaaladda la socotay Agaasime Maxamed Axmed Cantoobo iyo Dr Cumar Aadan iyo Kooxda weerarka soo qaaday ayaa wax dhexmaray israaseyn muddo kooban socotay, mana jirto wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarka.

Saraakiisha Ciidamadda Amniga ayaa sheegay in ay ku daba jiraan cidda ka danbeysay falkani