Doorashada Xubnaha Aqalka sare oo maanta Cadaado ka dhaceysa

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug saaka ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada xubnaha u tartamaya aqalka sare, waxaana ku tartamayaa 19 musharax oo ku loolamaya 8 kursi oo dowlad goboleedka Galmudug ku leedahay aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka ah Soomaaliya.

Musharixiinta u tartamaya kuraasta aqalka sare ayaa laba maalin ka hor u jeediyey khudbooyinkooda Barlamaanka Galmudug, waxaana la filayaa in doorashadu ay goordhow bilaabato.

Doorashada ayaa waxaa si wadajir ah u daadaheynaya guddiga doorashada iyo guddi xildhibaano Galmudug ah, waxaana saacadihii ugu dambeeyey socday olole xooggan oo ay sameynayaan musharixiinta u tartamaysa kuraastan.

Dhanka kale waxaa goordhow ka dhoofay magaalada Cadaado Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid, isagoo u baqoolay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Puntland.

Comments are closed.