Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu waddaa maanta inuu booqasho hal maalin ah ku tago dalka Suudaan,iyadoo ujeeddada booqashada lagu sheegay inay la xiriirto sidii uu u dhexdhexaadin lahaa dhinacyada Suudaan, sida waxaa laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee Khartoum.
Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha Militariga Suudaan iyo isbahaysiga xooggagga xoriyadda iyo is-beddelka, inta lagu guda jiro booqshadiisa halka maalin ah.
Booqashada Abiy ee dalka Suudaan ayaa ku soo aaddaysa xilli golaha ammaanka iyo nabad-galyada Midowga Afrika ay Suudaan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.
Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kaddib kulan ay xubnaha golaha ku yeesheen khamiistii magaalada Addis-Ababa.
Go’aanka ayaa ka dambeeyey kaddib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Suudaan, ayada oo ciidammada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah.
Isha: Hiiraan Online