Dilal Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo xushay koofur Galbeed ayaa xalay fiidkii lagu dilay degmada Dharkeyneley ee gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo qeybta sare ee jirkiisa ka toogtay, kadibna goobta ka baxsaday.

Marxuumka oo la dilay xilli uu ka soo baxay salaada Taraaxwiixda ayaa wuxuu dilkiisa si gaar ah uga dhacay xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa.

Sidoo kale Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay xaafada Shanta Geed ee degmadaasi, kadib markii ay rasaas huwiyeen niman bistoolado ku hubeysnaa.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Jabloos ayaa waxaa la dilay xilli uu fadhiyay Maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taalla xaafada Shanta Geed, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay.

Jabloos ayaa wuxuu maamuli jiray Waaxda Saqaawadiin, waxaana uu ahaa nin Oday ah oo si wayn looga yaqaanay Degmada Hawlwadaag, iyada oo dilkiisa ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka.

Inta lagu guda jiray Bisha Ramadaan ayaa waxaa kordhay dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho, Waxaan dilalkaan Badankood ka dhaceen degmooyinka Howlwadaag, Yaaqshiid, Wadajir, Dharkeynleyd , Warta Nabadda, Heliwaa iyo Waaberi.