Daacish oo gacanta looga dhigay Magaaladi ugu danbaysay oo ay ku xooganaayeen

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa la wareegay magaalada Hawija,oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay ku xooganaayeen Xoogaga hubeysan ee Daacish,sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Militariga Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa shalay oo arbaca ahayd bilaabay iney ku dhaqaaqaan magaalada Koonfurta Ciraaq ku taalo ee Hawija labo maalin uun ka dib qabsashadii xarunta Ciidanka cirka ee Rashad oo 30-km dhanka koonfur ka xigta magaalada halkaasi oo ay kooxaha hubeysan u adeegsan jireen xero ay ku tababari jireen dagaalyahanada iyo keydinta saanada ciidan.

Ka hor inta aysan qabsan ciidamada Ciraaq magaalada Hawija waxay duqeyn la dhaceen fariisimo ay ku xooganaayeen Kooxda ISIL,waxaana la sheegayaa in duqeynta khasaaro xoogan ay ka soo gaartay xooggaga hubeysan inkastoo aan la xaqiijin inta ay gaarsiisan tahay.

Magaaladaan Hawija ayaa muhiim ah u ahayd Kooxda Daacish,waxayna dhanka Galbeed ka xiga magaalada Saliida qaniga ku ah ee Kirkuk halka waqooyi ka xigta magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Kooxda Daacish ayaa ku jiyad jabtay weerarkii bishii julay Ciidamada Ciraaq oo ay kaabayaan kuwa Mareynkanka ay kooxda kaga qabsadeen magaalada Mosul oo ahayd magaalo si weyn Daacish ugu xooganeyd.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Ciraaq ee qabsaday magaalada Hawija ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan,islamarkaana ay feejignaadaan inta uu socda howlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada Argagixisada ee Daacish.

@SONNA