Ciidanka dowladda Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgala Soomaaliya ayaa maanta deeq kala qalab ciidan ah waxaa ay ku wareejiyeen taliska ciidanka Asluubta Soomaliyeed.
Qalabkan ayaa waxaa kamid ah jaakadaha xabadda celiya ee loo yaqaano Bullet Proof, tuutaha ciidanka, dhanka Sports iyo waxyaabo kale, waxaana lagu wareejiyay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil kale.
Saraakiisha Talyaaniga ee maanta deeqda ku wareejiyay ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socdeen hey’add caawisa dalalka dagaalada soo kabanaya.Waxaana qalabkaan wax tari doonaa baahida Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo waayahaan soo kabanaya
Hoos ka daawo Sawirada
Ceelhuuronline