3 Soomaali ah oo lagu dhaawacay weerar lagu qaaday Masaajid (Daawo)

Wararka Maanta

Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacantay weerar uu nin hubeysan ku qaaday masaajid ku yaal magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Weerarkan ayaa dhacay salaadii maqrib kaddib, waxaana nin ku hubeysnaa Bastoolad oo gudaha u galay masaajid uu rasaas ku furay dad ku sugnaa masaajidka.

c0g8df8uuaaxhqy

Saddexda ruux ee dhaawacantay ayaa mid ka mid waxaa uu ahaa imaamka Masaajidka oo lagu magacaabo Sheekh Mustafa.

Booliska Zurich ayaa baaritaan ku haya dhacdadan, iyadoo uu baxsaday ninkii geystay weerarka.

Meyd qof aan la aqoonsan ayaa laga helay meel u dhow masaajidka la weeraray, ma cada in meydkan uu la xiriiro weerarka masaajidka.

Masaajidka ku yaala bartamaha magaalada Zurich ayaa waxaa maamulayay dad Soomaaliyeed, mana jirin wax cabsi ah ama hanjabaad horay loo jeediyay.

Weerarkan ayaa laga yaabaa inay la xiriirto Islaam naceybka ku baahaya wadamada reer Yurub.