Mugabe oo da’da 95sano ku geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa geeriyooday isagoo 95 sano jir, kadib markii uu muddo xanuunsanaa. Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano. Mugabe ayaa dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo yiqiin Rhodesia, waxana […]

Continue Reading

Xulka kubada cagta soomaaliya oo dharbaaxo kulul ku dhuftay xulka zimbabwe

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa uga badiyay 1-0 xulka dalka Zimbabwe lugta hore ee isreebreebka Koobka Adduunka ciyaar xiiso leh oo ka dhacay dalka Jabuuti maanta. Ciyaarta oo ka dhacday garoonka El Hadj Hassan Gouled Aptidon Stadium ayaa waxay xulka qaranka Soomaaliya qeybtii hore iyo qeybtii labaadba soo bandhigeen ciyaar tayadeeda ay aad u sareyso. Xulka […]

Continue Reading

Aw-dheegle:lawareegida CXD kadib qarixii labaad oo ka dhacay maanta

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax ka dhacay bartamaha magaalada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose. Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana ay la qaraxday dad howlo nadaafadeed ka waday meel u dhow fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha degmada Awdheegle. […]

Continue Reading

Danjire cali fiqi oo cadeeyay mowqifka dowlada ee ku aadan dalabka kenya ee dib udhigista dhagaysiga dacwada badda

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya aysan raalli ka aheyn in dhageysiga Kiiska dacwadda Badda dib loo dhigo, isla markaana aysan ogolaan doonin dalabka Kenya ka yimid oo ahaa in dacwadda Badda dib loo dhigo illaa 12 bilood. Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Mowqifka dowladda […]

Continue Reading

Al-shabaab oo weerar dhaba gal ah ku qaaday kolonyo ciidanka dowlada ah

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda oo ka baxay Afgooye, kuna sii jeeday deegaanka Sabiid ay Al-Shabaab wadada u galeen. Labada dhinac ayaa dagaal qaatay muddo saacad uu ku […]

Continue Reading

Dowlada federaalka oo war kasoo saartay rabshadaha kasocda dalka koofur afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhibaatooyinka lo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,kuwaasi oo la kulma,dil,dhac iyo weeraro joogta ah. Warsaxaafadeedkaan ayay dowladu uga dalbatay dowlada south africa inay damaanad qaado amaanka muwaadiniinteeda sidoo kalena  soomalida ayay dowladu ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha halista ah wax walba oo soo […]

Continue Reading

Wareegto:Wasiir markii u horeysay qof dumar ah u magacaabay agaasime guud

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u magacaabay Jihaan C/llaahi Xasan oo noqoneysa Haweeneydii u horeysay ee Agaasime ka noqota Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu wargeliyay magacaabidan Hey’addaha dowladda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha. Qoraalka magacaabida […]

Continue Reading

9-Xeelad oo Dawladda kenya u adeegsatay in dib udhigis loogu sameeyo Kiiska Muranka badda

Dowladda Kenya ayaa la timid xeelado kala duwan, oo lagu marin habaabinayo kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyaga oo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii dib loogu dhigi lahaa dhageysiga dacwada badda. Haddaba, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, diblomaasiyiin, sharci-yaqaano iyo […]

Continue Reading