Wareegto:Wasiir markii u horeysay qof dumar ah u magacaabay agaasime guud

Wararka Maanta

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u magacaabay Jihaan C/llaahi Xasan oo noqoneysa Haweeneydii u horeysay ee Agaasime ka noqota Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu wargeliyay magacaabidan Hey’addaha dowladda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka magacaabida ayaa ku qornaa in laga bilaabo 1-da bisha Sagaalaad in si KMG ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Jihaan C/llaahi Xasan, waxaana lagu bedelay Warsame Maxamuud Xasan oo si KMG u soo hayay xilkaas.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-