Duqeyn ka dhacdey gobolka Bari.

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururada Daacish iyo Al-Shabab oo horey dagaal uu ugu dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay galabta maqlayeen ugu […]

Continue Reading

Gudigii farsamada maamul usamaynta Galmudug ee dowlada federaalka magacowday oo gudoomiye doortay

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in guddiga doorashada galmudug ee ay dhowaan dowlada federalka magacaabeen inay doorteen guddoon. Guddigan ayaa guddoomiye waxa ay u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka ku xigeen loo doortey Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga. Guddoonkaan la doortay ayaa imanaya iyadoo uu khilaaf xoog leh […]

Continue Reading

Soomaaliya oo markii ugu horeesay heshay dheefta shidaalka

Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay heshay dheefta shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka. Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka oo dhawaan la filayo in la soo bandhigo xajmiga uu la egyahay qeybihii sahanka lagu sameeyay. “Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo […]

Continue Reading

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Caawa laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa caawa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan, kadib markii ciidanka Dowladdu rasaas kooban ku rideen xerada Inji oo ah fadhiga Hoggaanka Ahlu Sunna. Dhanka kale Ahlu Sunna ayaa ciidan geysay xarunta degmada Dhuusamareeb, sidoo kale ciidanka dowladda ayaa wada dhaqaaq. Xiisadda Siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay kadib markii labada Dhinac (Dowladda […]

Continue Reading

Maamulka Gobolka Hiiraan oo hay’adaha samafalka ka dalbaday gurmad deg deg ah

Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu ku amray Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolkaas inay gurmad ka bilaabaan deegaannada ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay fatahaadaha Wabiga Shabeelle. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka looga baaha yahay inay si deg deg […]

Continue Reading

Maxaa laga filan karaa Dhuusamareeb?.

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa ku wada sugan labo guddi farsamo oo ay kala magacaabeen Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS iyo Sheekh Shaakir. Arintaan ayaa muujinaysa inuu joogsaday Wadahadlkii labada Dhinac (Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe), waxaana mid kasta si gaar ah u wataa howsha Dhismaha Galmudug. Waxay Dowladdu howsha ku wadataa xarunta Shiirkole, halka Ahlu […]

Continue Reading

Kulamo lagu kala taageerayo gudiyada doorashada galmudug ee dowlada federaalka iyo Ahlusunna oo dhuusamareeb ka socda

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Caawa waxaa ka bilowday kulamo kala duwan oo lagu kala taageeraayo Guddiyadda doorashada dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna ay ku dhawaaqeen. Dadka kunool Magaalada ayaa labo qeybood noqday qeyb taageersan Guddiga doorashada Galmudug iyo kuwo taageersan guddiga ay Magacaabeen Ahlusunna. Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirta […]

Continue Reading

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Abiy Axmed oo Itoobiya ka socda

Banaanbaxyo waaweyn oo loogaga soo horjeedo  Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee dhowaan ku guuleystey abaalmarinta Nabadda iyagoo gubay buugga uu dhowaan soo saaray Abiy Ahmed.   Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa ku dhowaaqayay halkudhegyo ay ka mid yihiin ha dhaco Abiy. Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay taageerayeen siyaasi mucaarad ah oo leh warbaahin Jawar Maxamed […]

Continue Reading

Madaxwayne Farmaajo oo gaaray magaalada Sochi ee dalka Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Sochi ee dalka Ruushka halkaas oo maalinta barri ah uu ka furmayo Shirweynaha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha […]

Continue Reading

Shir looga hadlayo doorka Haweenka iyo Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdhisho ka furtay shir laba maalin socon doona oo ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameyay. Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka […]

Continue Reading