Soomaaliya oo markii ugu horeesay heshay dheefta shidaalka

Arimaha Bulshada Dhaqaalaha Wararka Maanta

Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay heshay dheefta shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka oo dhawaan la filayo in la soo bandhigo xajmiga uu la egyahay qeybihii sahanka lagu sameeyay.

“Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo macdanta ee fowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta xiriirka shirkadaha ku leh xirmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo shirkadahaas lagu leeyahay ijaarka xirmooyinka ay haystaan”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.

Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta ijaarka xirmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil bishii Juun ee Sanad kan, shirkadahaas na ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah ijaarka shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.

“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.

Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo BBC-da u warramay xiligaas ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.

Maxamuud Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in laga gaashaamanayo in marka shidaalka la soo saaro uusan khatar ugu noqon dadka iyo bayaduba.

Bishii Febraayo ayaa magaalada London waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya kaas oo uu ka qeyb galay wasiirka macdanta iyo betroolka ee Soomaaliya.

Balse Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa waxay shirkaasi London ku tilmaameen mid lagu”xaraashayay” kheyraadka Soomaaliya.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warkaas waxa ayna sheegtay in shirkii London uu ahaa mid lagu soo bandhigayay macluumaadka sahmin shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay.

Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaartay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin.

Isha: BBC + Twitter