MD Farmaajo oo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay […]

Continue Reading

Golaha Wasiirada DFS oo Magacaabay 5 Safiir (Sawirro)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka. Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul […]

Continue Reading

Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro

Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,waxaa kaloo aad loo bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badnaadeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo isticmaalin, kuwa kalena looba baahneyn xilliga […]

Continue Reading

Faafaahin nin isqarxin rabay oo lagu qabtay Guriceel (Sawirro)

Degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa maanta Ciidanka Amniga waxay gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu sitay walxaha qarxa, ninkan ayaa doonayey inuu isku qarxiyo Madax iyo shacab ku sugnaa Barxadda Quraca Shinbiro Oonshe ee degmada Guriceel, halkaas oo lagu xusayey saraakiishii iyo Askartii Ahlu sunna ee ku geeriyootay dagaalkii ay la galeen Alshabaab. Goobta […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo u Jawaabtay Kenya

War saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah […]

Continue Reading

Faafaahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Faafaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo maanta barqadii ka dhacay bar Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow. Dadka goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay arkeen dhimashada illaa 5 ruux oo askar u badan, kuwaasi oo yaalay goobta qaraxa uu […]

Continue Reading

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta Golaha Shacabka?

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka Bisha May 2019, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay aqrinta koowaad ee wax ka bedelka […]

Continue Reading

Wasiir Beyle: Gabagabo ayuu marayaa Tirakoobka Hantida Dowladda

Shir saxaafadeed uu Muqdisho uga qabtay Warbaahinta Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr abdiraxman Ducaale Beyle ayuu kaga hadlay tirakoobka Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda. Wasiirka ayaa ugu horeyn dul istaagay Warbixinta ugu dambeysay ee Hey’adda lacagta aduunka ka soo saartay Barnaamijka […]

Continue Reading

Mas’uuliyiintii dowladda oo dib loogu soo celiyay Muqdisho

Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir oo xalay ku xanibnaa Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa saaka dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Saddexdan mas’uul ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Caasimada dalka Kenya, iyadoo […]

Continue Reading