Fanaanka caanka ah ee maxamad saciid BK ayaa waraysi uu siiyay talafashinka universal waxaa uu raali galin kabixiyay hadal u ekaa ku digasho oo uu dhawaan meel fagaaraa ka sheegay kaasi oo ahaa in muqdisho aqoonsato soomaaliland si ay qaraxyada uga baxaan iyaguna hadalka fanaanka ayaa kusoo aadey xili dhawaan uu ka dhacay qarax lagu hoobtay magaalada muqdisho.
Mar la su’aalay fanaanka inuu kala saari doono fanka iyo siyaasada ayuu sheegay in ay isaga milnaayeen fanka iyo siyaada horayna uu usitay oo kiyaale cagaar ah balse hada uu iska bixiyay oo kiyaalahaas uuna kala saari doono fanka iyo siyaasada laxiriirta gooni isu taaga soomaaliland.
Sidookale fanaankaan oo kol hore fagaare ay isugu soobaxeen taageerayaashiisa soomaaliland wuxuu ka sheegay inuusan xamar waligiis tagi doonin uusana jeclayn balse fanaankan ayaa iyadana raali galin kabixiyay taas oo wuxuu sheegay in dhawaan uu muqdisho show ku qaban doono.
Hobolka caanka baxay ee maxamad Bk sidookale wuxuu waraysigiisaan ku sheegay in labada show ee u horeeya ee uu qabto lacagta kasoo xaroota uu ku caawin doono ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii dhawaan ka dhacay ex koontarool afgooye magaalada muqdisho.
Halkaan ka daawo waraysiga fanaanka oo dhamaystiran.