Home > Wararka Maanta > Maamulka gobolka benaadir oo meel mariyay miisaaniyada 2020 ka ee caasimadda

Maamulka gobolka benaadir oo meel mariyay miisaaniyada 2020 ka ee caasimadda

Wararka Maanta

Qorshaha uu Maamulka Gobolka soo bandhigay maanta ee looga dooday shirka wadatashiga ayaa waxa uu ka koobanyahay 6 tiir oo waa wayn oo kala ah

1. Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda
2. Horumarinta adeegyada Bulshada
3. Dib u dhiska
4. Horumarinta Dhaqaalaha
5. Dib u habaynta Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar
6. Maamul wanaagga

Sidoo kale waxa iyana shirka maanta looga dooday Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose iyadoo dood dheer ka dib lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo sandkaan noqonayso $32,977,123 oo ah ku talagalka sanadkaa. Miisaaniyadaan ayaa aadi doonta qaybaha Mushaaraadka shaqaalaha, dib u dhiska magaalada, aDeegyada bulshada, iibka Agabka iyo kharaashaadka la xiriira maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xeritaanka shrika ayaa sheegay in xilligaani ay muhiim tahay in Maamulka Gobolka la yimaado qorshe cad ee uu ku hagaayo horumarka magaalada Muqdisho waxa uuna balanqaaday in loo istaagi doono fulinta halbeegyada horumarineed ee loo dajiyay sanadka cusub in la fuliyo.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!