Xildhibaanada golaha shacabka oo dooranaya guddiyada doorashada gudoonka labada aqal

Wararka Maanta

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii seddexaad ku yeelanaya xarunta baarlamaanka, waxaana kulanka looga hadlayaa arimo dhowr ah.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada ayaa ka doodaya gudiyada doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay fikrado ku darsan doonaan qaabka loo dhisayo guddiyada doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Cismaan Cilmi Boqore, guddoomiyaha KMG ah ee xildhibaanada golaha shacabka, ayaa sheegay in maanta la dooran doono guddiyada doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in maanta qorshaha uu yahay ineysan la dhaafin doorashada guddiyada doorashada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka dooday miisaaniyada sanadkaan iyo guddiyada doorashada.