Shiikh Shariif oo ku Wajahan Muqdisho

Wararka Maanta

fb_img_1483254699433

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ku sii jeeda Magaalada Muqdisho, ka dib safaro uu ku soo kala bixiyay dhawr dal.

Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah murashaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee wadanka, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi.

Murashax Shariif Sheekh Axmed iyo xubno uu horkacayo, ayaa saakay u diyaarsan in ay ka amba baxaan Magaalada Nairobi, iyagoona ku sii jeeda Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa bishii November u amba baxay Qaaradda Yurub, iyadoo uu uga sii tallaabay Waqooyiga Mareykanka.

Shariifka oo toddobaadyo ka dib ka soo amba baxay Mareykanka, ayaa soo maray Emirate-ka Carabta, halkaasoo uu uga sii gudbay dalka Uganda.

Shariifka, ayaa 26-kii bishii September Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka ugu sareeya wadanka.

Tagged