Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid Sharciyada Horyaalla Golaha Shacabka

Wararka Maanta

‪Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi ayaa sheegay in been abuurka lagu sameeyey xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen mid aan aheyn in la horgeeyey Golaha Shacabka, isla markaana uu baalmarsan yahay go’aankii maamul ee Guddiga wadajirka lagu magacaabay 28 bishii Febraayo, xadgudubna ku ah hannaanka xeer dejinta dalka, kuna abuureysa kalsooni daro hey’adaha kale ee dowladda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo si gaar ah ugu saabsan afarta Xeer ee laga been abuuray, inta laga saxayo qoraalka afarta xeer ee loo qeybiyay Golaha Shacabka loona marayo habraaca xeer dejinta Dastuuriga.