Dowladda Kenya ayaa ciidamo geysay xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la qorsheeyay iney adkeeyaan amaanka iyo dhaqdhaqaaqa xuduuda labada dal.
Ciidamada ayaa sidoo kale la geeyay gobolka waqooyi ee dalka Kenya oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaayeen cabsi la xiriirta weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalada Mandheera iyo magaalooyinka kale.
Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in laga cabsanayo weeraro Al-shabaab sanadka cusub inta lagu gudo jiro ka geystaan gudaha dalkaasi Kenya.
Saraakiisha waxay sheegeen inay hayaan xogo amaan oo ku saabsan weeraro Al-shabaab ay qorsheeyeen inay ka geystaan magaalooyinka ku yaala gobolka waqooyi bari dalka Kenya.
Ciidamada cusub ee la geeyay xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa adkeyn doona amaanka dhanka xuduudda si loola socdo waxyaabaha ka baxaya iyo waxyaabaha galaya gudaha dalka Kenya, sida saraakiisha ay sheegeen.
Al-shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2011, weeraro kala duwan ka geystay dalka Kenya, waxaana weerarada lagu xasuusan doono kamid ah, weerarkii Jaamacadda Gaarisa, weerarkii Dhismaha ganacsiga ee Westgate iyo weeraro ka dhacay gobolka waqooyi bari Kenya oo dad badan ku dhinteen.