Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Godinlabe

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa caawa dagan jawiga magaalada Godinlabe oo 28 km koofur uga beegan degmada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Galmudug.

Duhurkii maanta ayaa dagaal muddo socday ku dhexmaray duleedka Godinlabe Ciidamada NISA iyo ciidan jodgooyo dhigtay, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaraha 3 ruux oo dhaawac ah oo labada ciidan ah.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa la geeyey dhaawaca laba ruux, waxaana ciidanka NISA ku guuleystay inuu la wareego goobtii dagaalku ka dhacay, halkee ciidankii kale u ruqaansadeen Mareergur oo ay ka taliyaan maamulka Ahlu sunno.

Galabta ayaa waxgarad iyo odayaal dhaqameed ku baxeen goobtii dirirtu ka dhacday, waxa ayna ciidankii NISA ka codsadeen in dib u soo laabtaan, ciidankii kalena lagu qanciyo in ay nabad qaataan oo maamulka isku soo dhiibaan.

Ciidanka NISA ayaa caawa dib uga soo gurtay goobtii dagaalka iyagoo dagay inta u dhaxeysa Cadaado iyo Godinlabe, waxaana Odayaashii iyo waxgaradkii kale ku maqan yihiin ciidankii kale.

Wixii ku soo kordha kala soco Ceelhuur.com

Comments are closed.