Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goor dhow loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqon doona inta uu nool yahay .
Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa xilka Maanta loo dhaariyay waxaa uu yahay mid dastuuri ah, waxaana qof kaste oo soo noqda Madaxweyne uu xaq u leeyihiin in uu baarlamaanka ka mid noqdo.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa noqonaya Xildhibaanka 276aad ee baarlamaanka Soomaaliya.